Welcome to Horseed Soccer Club.

Taariikhdii Xasan Maxamud Xarbi  (Xasan Xarbi)

Taariikhda Xasan Xarbi halkaan laguma soo koobi karo, balse waxaan kasoo qaadanay qeybihii ugu waaweynaa.

 


By Adan S. Awale - Xafiiska Wararka - Qaranimo Online - Toronto, Canada - info@qaranimo.com


 

Xasan Xarbi wuxuu ka mid ahaa ciyaaryahannadii ugu wanaagsanaa ee soo maro dalkeena dhinaca kubbadda cagta, intii u dhaxaysay sannadihii 1980-kii ilaa 1990-kii, waxaana uu ku caan baxay naadigii Horseed. Xarbi wuxuu ka mid ahaa ciyaaryahannadii magaca fiican u soo hooyay Kooxda Horseed iyo Gobolka Banaadir ee ka qayb galay ciyaarihii Juniorka, Ciyaarihii Gobolada iyo Horyaalka iyo Jeneraal Daa'uudka iyo ciyaaro saaxiibtinimo iyo kuwo heer kooxeed oo u tegay wadamada saxiibka la ah Soomaaliya.

Xasan Maxamud Xarbi oo bahweynta ciyaaraha ay u taqaano Xasan Xarbi waxa uu ku dhadhashay kuna barbaaray magaalada Muqdisho, xaafada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Waxbarashadiidii quraanka wuxuu ku bartay isla xaafada uu kudhashay ee Howlwadaag, waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo dhexe waxa uu ku soo qaatay dugsiga hoose dhexe ee 21-ka November ee degmada howlwadaag. Dugsigii sare waxa uu ku soo baxay dugsiga sare ee 15-ka May ee degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Xasan Xarbi yaraantiisii wuxuu ahaa shaqshi jecel ciyaarta kubada cagta, isagoo ah wiil da'yar oo ku koray degmada Howlwadaag ayuu wuxuu ku ciyaari jiray bacaadka xaafada Howlwadaag oo si fiican looga yaqaanay, iyadoo dhalintii iyo dadkii xaafadana ay aad iyo aad u jeclaayeen ciyaartiisa xirfadeysan.

Xasan Xarbi taariikhdiisa ciyaarta kubada cagta oo kooban:

1980 - Wuxuu ku biiray kooxdii la oran jiray Birjeex ee kadhisneed degmada Howlwadaag.

isla sandkii 1980 - wuxuu ka qeyb galay ciyaarihii degmooyinka isagoo usaftay degmada Howlwadaag, guulo lataaban karana kasoo hooyay.

1981 - Xasan Xarbi wuxuu ka qeyb galay ciyaarihii dugsiyada sare isagoo usafatay dugsiga sare ee 15-ka May.

1981 - Xasan Xarbi wuxuu loo qaatay kooxdii Junyarka ee Naadiga HORSEED - kaas oo looga dhigay KABTANKA kooxdaas.

1981 - Xasan Xarbi wuxuu ka qeyb galay ciyaarihii gobolada isagoo u ciyaaray gobolka Banaadir, loona doortay inuu noqdo KABTANKA kooxda gobolka Banaadir.

1982 - Xasan Xarbi isagoo weli kamid ah ardaydii dugsiga sare ee 15ka May ayuu u ciyaaray ciyaarihii dugsiyada sare - isagoo ah KABTANKA kooxda, wuxuuna usoo hooyay guushii ugu sareysay ee aheyd in dugsiga sare 15-ka May aay qaadeen KOOBKII Sanadka.

1982 - Xasan Xarbi wuxuu kamid ahaa ciyaartooydii Junior-ka kooxda Horseed isagoo weli ah KABTAKA kooxda.

1982 - Xasan Xarbi wuxuu kubiiray Ciyaaraha heerka koowaad (SERIA A) naadiga HORSEED.

1983 - Xasan Xarbi iyo kooxda Horseed ee SERIA A-da waxa ay qaadeen koobkii JENERAL DAA'UUDKA.

Dabayaaqadii 1985 -1987 - Xasan Xarbi wuxuu ahaa KABTANKA Naadiga HORSEED.

1982 - 1983  Xasan Xarbi iyo Kooxda Horseed waxay safar ku aadeen dalka Ugaandha oo ay ka qeyb galeen ciyaarhii Militaeriga iyagoo Kooxda Horseed ay qaaday Koobkii Bariga iyo Bartamaha Africa Kaas oo ahaa JERANAL DAA'UUDKII Dalka Soomaaliya.

1983 - Xasan Xarbi iyo Kooxda Horseed waxa ay ciyaaro u aadeen dalka Masar iyagoo laciyaaray Kooxda Al-Muqaawinuun ee dalka Masar.

1983 - Xasan Xarbi Ciyaartii ugu xiisaha badneed ee uu ciyaaro ayaa waxa ay aheyd mid ay finalka Janaral Daa'uudka ayna isaga horymaadeen Kooxda Horseed iyo Batroolka. Ciyaartaan oo uu Xasan Xarbi dhaliyay gool aad iyo aad u quruxbadan ayaa ciyaartaas waxa ku dhamaatay 1 - 0, taas oo ay koobkii Janaral Daa'uudka 1983 oo ay kooxda Horseed ku qaaday koobkii. Waxaa xusid mudan in kooxda Horseed oo ay ugu danbeysay Koob ay qaadaan sanadkii 1979 ayaa Xasan Xarbi uu noqday cayaar yahankii usoo hooyay guushan lawada sugaayay Kooxdan Horseed.

1986 - Xasan Xarbi iyo Kooxda Horseed waxay ciyaareen ciyaar saaxiibtinimo oo aheyd munaasabad lagu xusaayay DHIRTA iyo DAAQA, ciyaartsaas oo ay dhexmartay kooxdii JEENYO oo iyana waagaas aheyd kooxaha ugu ciyaarta wanaagsan ee dalka Soomaaliya Soomartay.  Ciyaartaas waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynihii Dalka Soomaaliya ALAHA UNAXARIISTEE Max'ed Siyaad Barre. Ciyaartaas oo aheyd mid aad iyo aad u xiisa badan ayaa waxaa guushii ay ku raacday kooxda Horseed kuna dhamaatay 2 Horseed iyo 1 Jeenyo, kooxda Horseed waxaa KABTAN u ahaa Xasan Xarbi dhaliyayna gool kamid ah labada GOOL ay guusha kuraacday Horseed goolka kalena Axmad Cali.

Kooxda Horseed - qiyaastii sanadadii 1980s - oo uu kadhex muuqdo Xasan Xarbi

Kor BidixShiraaye, Shaah, Siciid Ceyrow, Xasan Xarbi, Baasi, Xasey, John Faqri, Aweys Fuundi, Axmad Cali Culusow, Xasan Xamaama, Jaahuur, [___]

Hoos Bidix - Cabdaladiif, Cabdi Kuus, Shaarkey, [______], Jeylaani Khaliif, [_____], Gurey, Cabdala Cabaas,  Siciid Galguduud, Difoose Madaxay.

 

Madaxweyne Siyaad Bare oo Gudoonsiiyay Kabtan Xasan Xarbi Koobkii Munaasabada DHIRTA iyo DAAQA

 

Mar aan wareysanay Xasan Xarbi waxa uu inoo sheegay inay ciyaartaas ay ahayd ciyaartii ugu fiicneed uu ciyaaro intii uu kudhex jiray ciyaarta kubada Cagta.

Xasan Xarbi wuxuu ciyaaro saaxiibtinimo, heer Kooxeed iyo heer qaran ku kala tegay wadamada:

Ugaandha, Masar, Suudaan, DJabuuti, Kenya, Tansaaniya, Tunuusiya iyo wadamo kale.

Xasan Xarbi intuu ku jiray ciyaaraha kubada Cagta waxa uu qaaday koobab ay kamid ahaayeen:

Dugsiga 15-ka May - Koob

Horseed 1 Koobka Horyaalka

Horseed 1 Koobka Jeneral daa'uudka

Horaantii Sanadkii 2009 Xasan Xarbi waxa uu kamid ahaa shaqsiyaad abaabulay naadi cusub oo lagu tababaro ciyaarta kubada Cagta caruurta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Toronto, naadigaas oo lagu magacaabo Muqdisho Football Club oo uu hada Xasan Xarbi kayahay Madaxweynaha (PRESIDENT) naadiga. (www.muqdishofc.com)

Xasan Xarbi intii uu kunoolaa magaalada Toronto waxa uu kamid ahaa ciyaartooydii iyo shaqsiyaadkii  horseedka u ahaa in la aas aaso ciyaaraha Soomaali Week-ga ee kasocda magaalada Toronto, Xasan Xarbi waa shaqi si weyn looga tixgeliyo jaaliyada Soomaaliyeed ee Toronto iyo Bahda Ciyaaraha.

Ciyaartii ugu danbeeysay ee uu Xasan Xarbi ciyaro waxay aheyd ciyaar dhexmartay koox layiraado PINSERT oo kadhisan dalka Tunuusiya iyo kooxda Horseed ee dalka Soomaaliya markaas oo aheyd markii ugu danbeetsay ee uu Xasan Ciyaaro ciyaarta Kubada Cagta ee Dalka Soomaaliya June 1988.

 

Mar aan weydiinay Xasan Xarbi ciyaariyahanadii iyo macalimiintii soomaaray waqtigii uu ku dhexjiray ciyaaraha, waxaana ka mid ahaa:

1- Macalimiintii isoo maray waxaa kamid ahaa:

 

Macalin Inbrahim Suudaani (Horseed)

Max'ed Xaaji Ibraahim - Khaliifaani (Horseed)

Axmad Siciid Garaare (Horseed)

Gaabshe (Gobolka Banaadir)

Giftin (Gobolka Banaadir)

Macalin Tuke (Gobolka Banaadir)

2- Ciyaartooydii kooxda Horseed:

 

Aweys Fuundi, Shaarkey, Cabdiladiif, Mustafa Tifka, Gurey, Cabdirisaaq Shoombe,   Axmad Cali Calasow, Xamaama, Jaahuur iyo Jaylaani Khaalif oo wada ciyaar waqtiyar

3- Ciyaartooydii gobolka Banaadir:

 

1981 - Abukar Shaash, Mustafa Tifka, Abalisha, Xasan Xaaji, Khaalid iyo Cali Koori

 

1982 - Cumar Calasow, Axmad Cabaas, Hilowle, Baashoow, Faysal, Cabdi Boy.  

4- Dugsiga Sare ee 15-ka May:

 

Khaliif Riko, Xasan Yare, Majabe, Xaraare, Cali Quluub

 

5- Kooxda Birjeex ee Degmada Howlwadaag

 

Gurey, Oofey, Shiine, Cabdicasiis Dabagure

Mar aan weydiinay Xasan Xarbi intii uu joogay North America ciyaaryahanada uu ugu jeclaa inuu laciyaaro waxa uu inoo sheegay inay ahaayeen:

Cabdixakiin Ottawa, Jamaal Yare, Mahad Yare, Yasiin Bidaar, Abtiga, Faaris, Mahad Gaal, Sharmarke Baraxow iyo kuwo kale oo aan halkan lagu soo koobi karin.

Xasan Xarbi wuxuu kaloo aad u amaanay dhalinyarada reer Toronto ee uu galab waliba kula alaminteeyo garoonka Woodbine ee magaalada Toronto, kuwaasoo kala ah:

Sugaal, Omar Gaab, Cabaas, Xasan Cowle, Sh. Bashiir, Daadi, Siciday iyo kuwo kale...

Xasan Xarbi oo maanta ah Madaxa sare ee naadiga Horseed Soccer Club ayaa si gooni ah u xusay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay maamulka Horseed Soccer Club, wuxuuna carabka ku dhuftay in loobaahan yahay wadashaqey buuxda taas oo keeni karta horumar lataaban karo oo waara.

Xasan Xarbi waxa uu haatan degan yahay dalka Canada magaalada Toronto, Xasan waxa uu leeyahay Xaas iyo 5 caruur ah - 4 wiil iyo 1 gabar.


Top Left: Max'ed Xaaji Ibraahim Khaliifaani (Assistant Coach), Xasan Cadow Raage, Cali Haadleey, Birigal, Jamaal Weyne, Taliye, Xasan Xarbi, Axmad Max'ed Siciid Garaare (Coach)

Bottom Left: Abdi Xaaji, Ibrahim Dajuuma, Axmad Cali Culusow, Jamaal Bayer, Aweys Eder


 

Horseed 1986

Stadium Muqdisho 1986-87 Horseed vs Jeenyo - Kabtan Xasan Xarbi oo dhaliyay Goolkii guusha kuraacday Horseed munaasabadii DHIRTA iyo DAAQA.


 

Horseed Vs Jeenyo - Horyaalka - Xasan Xarbi (Horseed)    iyo   Guutaale (Jeenyo)


 

Xasan Xabri Kabtanka Kooxda Horseed iyo Muriidi Abati Kabtanka Kooxda Madbacadda

Koobkii Janaraal Daa'uudka sandkii 1988

 


Xasan Xarbi Gobolka Banadir 1981 Garoonka Stadium Muqdisho

Top - left: Abukar Shaash, Muftafa Tifka, Abalisha, Abdulahi Taliye(Marxuum), Nuurow, Shiine

bottom - Left: Xasan Xarbi, Aweys Bukurow, Xasan Xaaji, Khaalid, Xoosh

 


Naadiga Muqdisho Football Club - Toronto Caruurta Da'dooda u dhexeyso - 5 - 14 jir-ka

 

Naadiga Muqdisho FC - Somali week 2009 Tournament

 

Naadiga Muqdisho FC - Somali week 2009 Tournament

 

Xasan Xarbi waxaad kala xiriiri kartaan 416.877.8326 - Toronto, Canada